Baarlamaanka Puntland oo su'aallo waydiiyey Wasiirka Qorsheynta

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Qorsheyta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga caalamiga ah DPL si wax looga weydiiyo cabasho ay Golaha u soo gudbisay Hay’adda Qandaraas bixinta iyo Iibka Puntland, taas oo lagu aasaasay xeer Lr. 11 ee 2020.

Wasiirka Cabdiqafaar Xaange ayaa guddiga uga warbixiyey shaqada wasaaradda, qorshaha 2020, caqabadaha jira iyo guud ahaan wada shaqeynta ay Wasaaraddu la leedahay Hay’adaha Dawladda iyo cabashada Hay’adda qandaraas bixinta & iibka Puntland.

Wasiirka ayaa intaas raaciyey in Wasaaraddiisa diyaar u tahay wada shaqeynta Hay’addaha, islamarkaana uu garawsaday cabashada laga soo gudbiyey uuna diyaar yahay inuu kala fariisto cabashooyin laga soo gudbiyey, dibna ay iska arkayaan Hay'adda Qandaraas bixinta iyo Iibka.

Intaas kadib, guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyey warbixinta wasiirka is uu uga bixiyo sharaxaad iyo faah-faahin dheeriya cabasha ay Hay’addu u soo gudbisay Golaha wakiillada.

Baarlamaanka Puntland

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM