Baarlamaanka oo walaac ka muujiyay ammaanka PL [ Dhageyso]

Image

May 9, 2015 (GO)- Xildhibaan Cabdicasiis Siciid Maxamuud oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa dowladda uu madaxwaynaha ka yahay Cabdiwali Cali Gaas ugu baaqay inay is-badal ku samayso xaaladda ammaan.

Xildhibaan Gacameey ayaa sheegay inuusan jeclayn Shacabka Puntland inay ku noolaadaan welwel sidaasi darteedna loo baahan yahay is-badal muuqda oo dhanka ammaanka lagu sameeyo.

''Xukuamdda uu hormuudka u yahay Prof.Cabdiwali Gaas, Amniga Puntland maanta waa loo jeedaa, waxaan ku boorinayaa una sheegayaa in xaaladda Amniga wax laga qabto oo wax laga badalo, siday hadda wax ku socdaan ma filayo in lagu daawan karo, ma jecli dadka Puntland inay cabsi ku noolaadaan''.

Inkastoo uusan faah faahin halka ay wax ka qaldan yihiin, haddana hadalka Xildhibaankan ayaa kusoo aadaya xilli magalada Gaalkacyo wax yar ka dib sallaadii Markib ee xalay lagu dilay Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur.

Ururka Al-Shabab ayaa weeraro kala duwan ka gaystay bilihii lasoo dhaafay magalada Bosaso, kuwaasoo lala beegsaday mas'uuliyiin dowladda ka tirsan iyo baro kantarool oo ciidamada boolisku gaadiidka ku baaraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM