Baarlamaanka PL oo ansixiyey wax ka beddelkii miisaaniyadda

Image

July 8, 2015 (GO)- Baaralmmaanka Puntland ayaa maanta  meel mariyey miisaaniyadda dowladdu ku shaqeyn doonto lixda  bilood ee soo socota, kadib markii wax ka bedel lagu sameeyey miisaaniyaddii dowladda ee horay baarlammaanku u ansixiyey.

Sababta keentay wax ka bedelka lagu sameeyey miisaaniyadda ayaa ah kamid markii la waayey dhaqaalihii laga filayey Bankiga Adduunka oo horay miisaaniyadda loogu daray.

Gudoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Puntland Maxamed Faarax Nuur ayaa baarlamaanka ka hor akhriyay war bixin ku saabsan sixitaanka ay ku sameeyeen miisaaniyadda, wuxuuna sheegay in la isku jaan gooyey dakhliga iyo kharashka oo markii hore kharashku badnaa.

Intaas kadib waxaa cod loo qaaday miisaaniyadda cusub, iyadoo fadhigii baarlammaanka ee maanta ay soo xaadireen 48 mudane.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa ku dhawaaqay natiijada cod bixinta, wuxuuna sheega in 46-mudane ogolaadeen, labo mudane oo keliyana ka aamuseen sidaasina ay ansax ku tahay oo lagu shaqayn karo.

Ugu dambeyntii Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdilaahi Shiikh Axmed oo fadhigii baarlammanka khudbad kooban ka jeediyey ayaa sheegay inay sida ugu haboon ugu shaqeyn doonaan miisaaniyadda dowladda ee lixda bilood ee soo socota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM