Baarlamaanka PL oo doortey gudoonka Hay'adda Xuquuqul Insaanka

Image

November 27, 2014 (GO)- Xildhibaannada baarlamaanka Puntland ayaa goor dhow doortay guddoomiyaha Hay'adda Xuquuqul Insaanka Puntland.

Doorashada oo saddex murashax ku tartameen waxaa ku guuleystey Maxamed Yuusuf  cabdi oo helay codadka 31 kamid ah xildhibaannadii fadhiga maanta soo xaadiray.

Saddexda murashax ee tartamay ayaa kala ahaa: Maxamed Yuusuf  cabdi, Burhaan Aadan Cumar iyo Siciido Axmed Cali.

Siciido oo heshay shan cod waxay ku hartay wareegii koowaad, wareegga labaad waxaa ku tartamay Maxamed Yuusuf  cabdi iyo Burhaan Aadan Cumar 

Hay'addan oo ah mid cusub islamarkaana dowladda hoos tegi doonta waxaa shaqooyinkeeda ugu muhiimsan ka hortegista xadgudubyada lidka ku ah xuquuqul insaanka iyo u qareemista dadka xuquuqdooda la duudsiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM