Baarlamaanka Puntland iyo PUNSAA oo heshiis kala saxiixdey

Image
Heshiiskan ayaa waxaa saldhig u ah xoojinta wada shaqeynta Golaha Wakiillada iyo Bulshada Rayidka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said ayaa goob-joog ka ahaa Heshiiska wada shaqaynta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland & Dallada Ururada Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA.

Heshiiskan ayaa waxaa saldhig u ah xoojinta wada shaqeynta Golaha Wakiillada iyo Bulshada Rayidka ee arragti wadaaga iyo is-weydaarsiga wadaaga arrimaha bulshada, dhaqaalaha, amniga, horumarka iyo siyaasadda.

Sidoo kalena, la abuuro- hannaan wax ku ool leh oo ay xogta isugu gudbiyaan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa sheegay inay muhiimad gaar ah u leedahay in dadweynaha loo dhaweeyo tallada, lagana qeyb-geliyo shaqooyinka Golaha Wakiilada qabnayo.

Golaha Wakiillada waxaa u saxiixay heshiiska Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Xiddig Warsame halka Dallada PUNSAA uu u saxiixay Guddoomiyaha Dallada PUNSAA Mudane Cabdirahman Cabdirisak Cabdirahman.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM