Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey Hantidhowrka guud ee dowladda

Image

GAROWE, Puntland – Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa Khamiista maanta ah waxay kulan ku yeesheen xaruntooda magaaladda caasimadda ah ee Garowe.

Fadhiga oo ay soo xaadireen inta badan xubnaha Golaha ayaa waxaa gudoomiyey afhayeenka Aqalka Wakiilada, Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhooba Daareed].

Ugu horeyn, mudaneyaasha ayaa codka xasaanadda siiyey Hantidhowrka guud ee dowladda, Cabdirisaaq Cumar Faarax, kaasi oo ka mahad-celiyey talaabadaasi.

Faarax, oo balanqaadey hufnaan shaqo iyo howlkarnimo, ayaa waxaa horaantii bishan July 2019 wareegto ku magacaabay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Dhinaca kale, sharcidejiyayaasha ayaa waxay meel-mariyeen heshiiska ilaalinta terminaaladda garoomada diyaaradaha Puntland kaasi oo ay dib u eegis ku sameeyeen.

Talaabaddan ayaa waxay kusoo aadeysa iyadda oo madaarada diyaaradaha maamulkan ay ka bilowdeen duulimaadyo caalami ah oo daafaha dunida isku xiraya.

Shirkadda duulimaadka waddanka aan badda lahayn ee Itoobiya, Ethiopian Airlines, ayaa noqotay diyaaradii ugu horeysay, iyadda oo la rajeynayo shirkado kale.

HALKAN KA DAAWO KHUDBADA FAARAX

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM