Baarlamaanka Puntland oo cod u qaadey xisaab-xirkii sanadkii 2019

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Golaha Wakiiladda dowladda Puntland oo Khamiista maanta ah fadhi ku yeeshay xaruntooda magaala madaxda Garowe ayaa cod u qaadey soo gudbinta Warbixinta Xisaab-xirka 2019.

Kulanka waxaa gudoomiyey afhayeenka golaha, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo ku xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta waxaa xaadirtay 41 Xildhibaan, sidda ay sheegtay xogheynta golaha. Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee gacanta ku hayey xisaab-xirkii sanadkii 2019 ayaa golaha u mariyey.

Akhrinta ayaa ahayd markii labaad. Cumar Xasan Cumar [Fiqi], wasiir ku xigeenka Maaliyadda, ayaa horaantii asbuucaan mudaneyaasha u gudbiyey warbixinta xisaab-xirka sanadkii hore.

"Ka dib Tallo-soo jeedinta, Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL waxaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay Xisaab-xirka 39 Xildhibaan, waxaa ka aamusay 2 Xildhibaan mana jirin cid diiday," ayaa lagu yiri qoraal.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Dhanka kalena, waxaa maanta Xildhibaanadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland loo qeybiyay Wax-ka bedelka xeerka Dawladaha Hoose ee Puntland (Law Number 7)".

Miisaaniyadda  Puntland ee 2020 oo goluhu horey u meelmariyey kadib markii xukuumadda ay soo ansixisay ayaa waa aduun lacageed dhan $346,416,158.99 oo ku saleysan dakhliga gudaha iyo dibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM