Baarlamaanka Puntland oo dib u bilaabay ka doodista ajandooyinka la horkeenay

Image

October 30, 2014 (GO)- Waxaa maanta oo Khamiis ah dib loo gudo galay howlaha fadhiga Baarlamaanka Puntland ka dib markii ay kasoo laabtan saddex bari oo uu xildhibaanadda fasaxay Afhayeenka Baarlamaanka.

Xoghayaha joogtadda ah ee Baarlamaanka Puntland Cali Axmed Saalax ayaa fadhiga maanta ka hor akhriyay sida ay u kala horeeyaan ajandayaasha ay ka doodi doonaan xildhibaanadda inta uu socda fadhiga kuwaasoo gaaraya 31-qodob.

Docda kale waxa uu sheegay xarunta Baarlamaanka Puntland in dib u habeyn lagu samayn doono isla markasna la adkeeyay amniga xarunta gollaha ka dib markii fadhigii 33-aad ee ku saabsanaa wax ka badalka dhinaca amniga xaruntan lagu go'aamiyay.

Mashaariic dhowr ah oo ay Baarlaanku la fulin doonaan Hay'adda UNPD ayuu sheegay Cali Saalax inay dhowaa xarunta ka bilaaban doonaan kuwaasoo hormarmar xambaarsan.

Xildhibaan Siciid Cabdi Samater ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay fasaxa saddex bare ee uu Siciid Xasan Shire xildhibaanadda siiyay, iyadoo laga soo laabtay hadda fasax dheer.

Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inuu maalinta berri ah ka ambabaxo magaalada Dubai halakaasoo kaga qayb galey shirka la dagaalanka burcad badeeka kaasoo sanad walba lagu qabto wadanka imaraadka Carabta.

Waftiga Madaxweynaha ayaa diyaarad kale ka sii qaadan doona magaalada Addis Ababa iyadoo la filayo in maalinta Sabtida ka dagaan magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM