Aqalka Wakiilada oo Puntland ku hogaamiyey hubanti la’aan
GAROWE, Soomaaliya - Baarlamaanka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay inuu galayo fasax, kadib markii ay isku raaceen in la ansixiyo saddex xubnood oo kamid noqonaya guddiga doorashada Puntland ee lagu muransanayahay ee PEC.
Ururada siyaasada "Mideeye iyo Horseed" ee mucaaradka ah ayaan weli ku dhawaaqin xubnaha ku matalaya Guddiga, kuwaas oo sheegey in sharci daro lagu furey Daatuurka Puntland. Ururka Mideeye ayaa kaalinta labaad ka galay doorashooyinka golayasha degaanka ee lagu muransaa halka Horseed oo gabi ahaantooda qaadacay dorashooyinkaas marka laga reebo EYL, UFEYN iyo QARDHO.
Xubnaha cusub ee la ansixiyay ee Guddiga Doorashada ayaa kala ah: Cabdisalam Bashiir Cabdisalam, Maxamuud Axmed Caynab (Gubsul), iyo Ubax Cabdullahi Abshir.
Garsooraha maxkamada sare ayaa dhaariyay xubnahan kadib markii xildhibaanada baarlamaanka ay siiyeen xasaanad.
Waxaa xusid mudan in guddiga doorashada PEC ay u xilsaaran yihiin la socodka hannaanka doorasho ee Puntland oo aan la isku raacsanayn. Waxa uu guddiga ka kooban yahay 12 xubnood, oo sagaal ka mid ah la ansixiyay horaantii bishan.
Inta badan xubnaha la ansixiyay ayaa waxaa soo xulay Baarlamaanka, Xisbiga talada haya iyo Madaxtooyada, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ka qeyb qaateen damacii Saciid Deni ee ahaa in muddo xileedka loo kordhiyo. Halka xisbiyada kale ay doorteen 5 xubnood oo kaliya.
Maxkamada Dastuurka ee Puntland ayaa iyadu ka soo jawaabin islamrkaana furin dacwooyin ururada Mideeye, Horseed iyo siyaasiyiin u gudbiyeen taas oo sida xeeldheerayasha aaminsan yihiin in hay'adda Garsoorka hadda u muuqato mid la shaqeyneysa Madaxweynaha Puntland oo muddo xileedkiisu ka dhiman yahay afar bilood.
Maamulka Puntland ayaa xiligan wajahaya khilaaf iyo hubanti la’aan ku aadan nooca doorasho ee madaxtinimo ee dalka ka dhici doonta 2024-ka, waxaana la rumeysan yahay in madaxweynaha dhawaan xilka kasii degaya Deni uu isku dayayo inuu qaab dadban ku kororsado xilka madaxtinimada.
GAROWE ONLINE