Baarlamaanka Puntland oo ka doodey yagleelida maxkamadda dastuuriga

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Baarlamaanka dowlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa Talaadada maanta ah markii ugu horeysay 22-sano kadib wuxuu ka doodey dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamada Dastuuriga ah.

Fadhigii maanta oo ay soo xaadireen 39 mudane waxaa u dhamaa shir-gudoonka; afhayeenka golaha, C/rashiid Yuusuf Jibriil, iyo labadiisa ku xigeen Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame.

Dooda kadib, sharci-dejiyeyaasha oo cod qaadey ayaa 38 kamid ah waxay isku raacday in ajendaha laga dhigo qodobka ugu dambeeya ee kalfadhiga 46-aad, ma jirin cid diidey, waxaase ka aamusay hal Xildhibaan.

Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa ka kooban sagaal xubnood oo shan kamid ah ay yihiin garsooreyaasha Maxkamadda Sarre, afarta kale waxaa min laba u soo xulaya Golaha Wakiilada iyo Xukuumada hada jirta.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre ayaa hogaamin doona, waxaase ka horeysa in ay codka kalsoonida ka helaan golaha xeer-dejinta.

Yagleelida Maxkamada Dastuuriga ah oo xalin doonta khilaafyadda hay'addaha dowladda ayaa muhiim u ah nidaamka xisbiyadda badan ee Puntland ay u gudbeyso si awooda dib loogu celiyo dadweynaha.

Puntland oo la aas-aasay 1-dii August, 1998-kii ayaa bisha soo aadan u dabaalgeysa sanad-guuradii 23aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay, waxayna timid xilli ay socdaan qorsheyaal lagu casriyeynayo maamulkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM