Baarlamaanka Puntland oo laalay codsigii xasaanad ka qaadista Daad

Image

GAROWE, Puntland - Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda dowladda Puntland ayaa maanta oo Sabti ah waxay ka hor-yimaadeen codsigii xasaanad ka xayuubinta ee Xildhibaan Cawil Xasan Daad.

Dalabkan ayaa waxaa todobaadkii hore gudbisay xeer-ilaalinta oo ku eedeysay mudanaha in uu hadalo qadaf ah ka jeediyay furitaanka kalfadhigii 45aad ee Aqalka.

Sidda uu gudoonka ku dhawaaqay, 39 mudane oo kamid ah 41 Xildhibaan oo fadhiyey kulanka 5-aad ee kalfadhiga 45-aad ayaa u codeeyey in Xildhibaanku "uusan wax danbi ah gelin".

Xildhibaan Daad ayaa su'aal ku saabsan xaaladda Puntland "oo uu ka been sheegay" wuxuu waydiiyey madaxweyne Deni, kaasoo si adag u difaacay howlaha xukuumadiisa.

Daad ayaa maamulkii Cabdiwali Gaas ka ahaa Agaasime ku xigeenka Madaxtooyadda, wuxuuna ku guuldareystay bixinta mushaharka shaqaalaha iyo ciidamadda dowladda.

Go'aanka xeer-dejinta ayaa kusoo aadaya iyadda oo madaxweyne Deni "uu cafis u fidiyey Xildhibaanka" kadib dhambaal raali gelin ah oo uu ka helay in ka baddan 20 Xildhibaan.

Talaabadda baarlamaanka ayaa waxay sidoo kale kusoo aadaya xili warar soo baxaya ay sheegayaan in xeer-ilaalinta ay ka noqotay dalabkii xasaanad ka qaadista iyo dacwad ay kusoo oogi lahayd Daad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM