Baarlamaanka Puntland oo lacag ugu deeqay gurmadka Gardafuu

Image

GAROWE, Puntland – Xildhibaanadda baarlamaanka Puntland ayaa Axada maanta ah tobban kun oo Doollar ugu deeqay gurmadka gobolka Gardafuu.

Lacagta, sidda uu guddoonku shaaciyey, waxaa min boqol doollar bixinaya mudaneyaasha, halka inta soo hartay laga jarayo Miisaaniyada golaha.

Tiradda guud ee Golaha Wakiiladda Puntland ayaa ah 66.

Xildhibaanadda ayaa deeqdaan cod gacan taag ah ku meelmariyey kadib kulan ay ku yeesheen xaruntooda magaaladda caasimadda ah ee Garowe.

Gobolka Gardafuu ayaa waxaa saameyn daran ku yeeshay roobab culus oo 48-kii saac ee lasoo dhaafay ka da'ayey goboladda Puntland.

Dhinaca kale, golaha wakiiladda ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xeerka Hay'adda Cilmiga Dambiyadda Puntland ee Puntland Forensic Science.

Hay'addan oo ay maalgelisay dowladda Sweden ayaa inta badan baaritaan cilmiyeysan ku sameysa kiiska la xiriira tacadiyadda jinsiga ee ka dhanka ah dumarka.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM