Baarlamaanka Puntland oo lacag ugu deeqay gurmadka Gardafuu

Image

GAROWE, Puntland – Xildhibaanadda baarlamaanka Puntland ayaa Axada maanta ah tobban kun oo Doollar ugu deeqay gurmadka gobolka Gardafuu.

Lacagta, sidda uu guddoonku shaaciyey, waxaa min boqol doollar bixinaya mudaneyaasha, halka inta soo hartay laga jarayo Miisaaniyada golaha.

Tiradda guud ee Golaha Wakiiladda Puntland ayaa ah 66.

Xildhibaanadda ayaa deeqdaan cod gacan taag ah ku meelmariyey kadib kulan ay ku yeesheen xaruntooda magaaladda caasimadda ah ee Garowe.

Gobolka Gardafuu ayaa waxaa saameyn daran ku yeeshay roobab culus oo 48-kii saac ee lasoo dhaafay ka da'ayey goboladda Puntland.

Dhinaca kale, golaha wakiiladda ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xeerka Hay'adda Cilmiga Dambiyadda Puntland ee Puntland Forensic Science.

Hay'addan oo ay maalgelisay dowladda Sweden ayaa inta badan baaritaan cilmiyeysan ku sameysa kiiska la xiriira tacadiyadda jinsiga ee ka dhanka ah dumarka.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM