Baarlamaanka Puntland oo loo balanqaadey wadashaqeyn dhow

Image
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa waxa uu qaabilay Madaxweynaha Hay’adda Interpeace.

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said ayaa qaabilay Madaxweynaha Hay’adda Interpeace Itonde Abraham Kakoma iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Puntland iyo sidii wada shaqeyn dhow ay u yeelan lahaayeen hay’adda Interpeace iyo Golaha Wakiillada Puntland. 

Kakoma ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada uga mahadceliyay qaabilaadda iyo soo dhaweynta uu u sameeyey, wuxuuna balanqaaday in uu si dhow ula shaqeyn doonaan Golaha Wakiillada Puntland.

Xubnaha Wafdiga waxaa kamid ahaa sidoo kale Ms. Renee Lariviere; Madaxa Mashaariicda, Ahmed Abdirahman Baadiyow wakiilka Hay'adda ee Somalia, AU iyo IGAD iyo Wakiilka Interpeace ee Puntland Mr. Abdirahman Bihi, sidoo kale kulanka waxaa ka qayb galay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Md. Cabdirisaaq Xiddig Warsame. 

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa Mudane Itonde Abraham Kakoma iyo hay’adda uu madaxda ka yahay uga mahadceliyay shaqooyinka kala duwan ee ka hayaan dalka, wuxuuna ku booriyey in ay sii laba jibaaraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM