Baarlamaanka Puntland oo loo balanqaadey wadashaqeyn dhow

Image
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa waxa uu qaabilay Madaxweynaha Hay’adda Interpeace.

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said ayaa qaabilay Madaxweynaha Hay’adda Interpeace Itonde Abraham Kakoma iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Puntland iyo sidii wada shaqeyn dhow ay u yeelan lahaayeen hay’adda Interpeace iyo Golaha Wakiillada Puntland. 

Kakoma ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada uga mahadceliyay qaabilaadda iyo soo dhaweynta uu u sameeyey, wuxuuna balanqaaday in uu si dhow ula shaqeyn doonaan Golaha Wakiillada Puntland.

Xubnaha Wafdiga waxaa kamid ahaa sidoo kale Ms. Renee Lariviere; Madaxa Mashaariicda, Ahmed Abdirahman Baadiyow wakiilka Hay'adda ee Somalia, AU iyo IGAD iyo Wakiilka Interpeace ee Puntland Mr. Abdirahman Bihi, sidoo kale kulanka waxaa ka qayb galay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Md. Cabdirisaaq Xiddig Warsame. 

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa Mudane Itonde Abraham Kakoma iyo hay’adda uu madaxda ka yahay uga mahadceliyay shaqooyinka kala duwan ee ka hayaan dalka, wuxuuna ku booriyey in ay sii laba jibaaraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM