Baarlamaanka Puntland oo muddeeyay dooda Xeerka Isgaarsiinta

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta oo Ajandaha ahaa ka doodista xeerka Isgaarsiinta Puntland ayaa dib loo dhigay illa maalinta Arbacada ka dib codsiga Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada DPL oo xeerka gacanta ku haya.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaana cod aqlabiyad ah ku ogolaaday in labo maalmood oo dheer ah la siiyo Guddiga sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobkiisa 58-aad iyo Qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland Puntland.

Xeerka Isgaarsiinta Puntland ayaa ka kooban 38 Qodob waxa uuna bedeli doona xeer sharci Lr. 15 ee 17-12-2007 kuna saabsanaa Isgaarsiinta iyo Khidmadaha, maadama uu la socon waayay horumarka deg degga ah ee ay ku talaabsanayso Isgaarsiinta casriga ah iyo is-bedelka khidmadaha.

Baarlamaanka Puntland

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM