Baarlamaanka Puntland oo ogolaadey dalab kaga yimid madaxweyne Deni

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 49 Mudane ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL loo gudbiyey codsi Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni oo ahaa inay socoto dhammeystirka heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) Dekadda Boosaaso, isla markaana loo daayo Golaha Xukumadda, iyagoo ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku oggolaadeen 38 Mudane, cid diidayna ma jirin, waxaana ka aamus 11 Mudane.

Dhinaca kalena, maalinta Isniinta 30 Bisha November, 2020 ayaa Golaha Wakiillada Dawladda Puntland yeelan doona kulanka La Xisaabtanka Golaha Xukumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM