Baarlamaanka Puntland oo xasaanada ka xayuubiyey Dhoobo Daareed

Image

GAROWE, Puntland – Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Talaado ah fadhi ay soo xaadireen 40 mudane xubinimadii Xildhibaanimo kaga xayuubiyey Cabdixakiim Maxamed Axmed [Dhoobo Daareed].

Mooshinka xasaanad ka qaadista oo ay saxiixeen 38-xubnood ayaa la horgeeyay kulanka ay maanta yeesheen Golaha Wakiiladda.

Sidda uu shir gudoonka ku dhawaaqay, tiradda sharcidejiyeyaasha ogolaaday in xasaanadda laga qaado ayaa gaareysa 39 Xildhibaan.

Dhooba Daareed ayaa waxaa lagu soo eedeeyay in uu ku xadgudubay afar qodob oo kamid ah Dastuurka dowladda Puntland.

Qodobadda hoos ka akhriso

Dhoobo Daareed oo 7-dii November ee sannadkan laga qaaday xilkii Guddoomiyaha Baarlaanka Puntland ayaa tan iyo todobaadkii hore wuxuu ku sugan yahay magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Faysal Cali Waraabe, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa tilmaamay in Dhooba Daareed uu wado olole ku aadan dhismaha maamul goboleed ka madax banaan Somaliland iyo Puntland.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada Ceyn, Sool iyo Sanaag ayuu tibaaxay in ay iska kaashanayaan qorshahaan oo uu xusay in Dhooba Daareed uu ka yahay hogaamiyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM