Baarlamaanka Puntland oo xasaanada ka xayuubiyey Dhoobo Daareed

Image

GAROWE, Puntland – Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Talaado ah fadhi ay soo xaadireen 40 mudane xubinimadii Xildhibaanimo kaga xayuubiyey Cabdixakiim Maxamed Axmed [Dhoobo Daareed].

Mooshinka xasaanad ka qaadista oo ay saxiixeen 38-xubnood ayaa la horgeeyay kulanka ay maanta yeesheen Golaha Wakiiladda.

Sidda uu shir gudoonka ku dhawaaqay, tiradda sharcidejiyeyaasha ogolaaday in xasaanadda laga qaado ayaa gaareysa 39 Xildhibaan.

Dhooba Daareed ayaa waxaa lagu soo eedeeyay in uu ku xadgudubay afar qodob oo kamid ah Dastuurka dowladda Puntland.

Qodobadda hoos ka akhriso

Dhoobo Daareed oo 7-dii November ee sannadkan laga qaaday xilkii Guddoomiyaha Baarlaanka Puntland ayaa tan iyo todobaadkii hore wuxuu ku sugan yahay magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Faysal Cali Waraabe, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa tilmaamay in Dhooba Daareed uu wado olole ku aadan dhismaha maamul goboleed ka madax banaan Somaliland iyo Puntland.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada Ceyn, Sool iyo Sanaag ayuu tibaaxay in ay iska kaashanayaan qorshahaan oo uu xusay in Dhooba Daareed uu ka yahay hogaamiyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM