​Banaanbax kale oo ka dhacay Garowe

Image

GAROWE- Waxaa maanta mar kale ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta Puntland, banaanbax looga soo horjeedo sicirka kor u kacay iyo jawaab la'aanta xukuumadda, waxaana haweenka ku ganacsada suuqa Injida ee gada hilibka iyo khudradda joojiyeen shaqo maalmeedkooda.

Banaanbaxayaasha ayaa isugu soo baxay xarunta Injida oo ah suuqa ugu weyn caasumadda, iyagoo sameeyay gadood kallifay in xarumahooda aysan furin saaka.

Waxay sheegeen inaan wali wax tallaabo ah xukuumaddu ka qaban cabashadooda islamarkaana sicirka maciishada iyo lacagaha qalaad kor u kaceen, waxayna dalbadeen in la sameeyo isbadal dag dag ah, hadii kale sii wadayaan dibad-baxyada.

Goobta waxaa soo gaaray ciidamo katirsan kuwa amniga gaar ahaan Boliiska iyagoo sugayay amniga, kadib markii dhalinyaro yar yar rabashado sameeyeen.

Maamulka gobolka Nugal ayaa lagu wadaa inay goor-dhow arrintaasi warbaahinta kala hadlaan.

Waa banaanbixii saddexaad ee looga soo horjeedo sicir bararka, waxaana labo kamid ah ka dhaceen magalada Garowe, halka kan kale Bosaso ka dhacay.

Majirto waxa tallaabo ah oo lamaha kala duwan ee dowladda Puntland qaaday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM