Bandhig faneed lagu qabtay Garowe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

24 Octobar, 2015(GO)-Waxaa xalay magalada Garowe lagu qabtay bandhig faneed ay sameeyeen koox ka timi ismaamulka Somalida Ethopia oo lagu magacaabo Anshax Band.

Bandhigga oo lagu qabtay Madaxtooyadii hore ee Puntland oo haatan daganyihiin qaybo ka mid ah wasaaradda Puntland, ayaa waxaa ka soo qayb galay bulshada qaybeheeda kala duwan.

Xafladdii xalay ayaa ka duwanayd kuwa horay uga dhacay Garowe oo ugu dambaysay bandhig faneed uu sameeyay fanaanka Cali Dhaanto oo ay goob joog ka ahaayeen mas'uuliyiin ka tirsan Puntland, balse tii xalay shacab kaliya ayaa ku sugnaa.

Kooxdan oo dhawr bari joogtay Puntland ayaa sidoo kale shalay ka qayb gashay xaflad lagu soo xirayay tababar u socday qaybo ka mid ah ciidanka Booliska Puntland kuwaasi oo ku jiray xerada Abqaale ee gobolka Mudug, iyagoo ku soo bandhigay heeso wadani iyo dhiiri galin isugu jira.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM