Bandowga magaalooyinka waaweyn ee Puntland oo la kordhiyey

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Guddoomiyaha Guddiga Puntland u qaabilsan diyaar-garowga iyo ka hortagga Covid-19, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta Shir-guddoomiyey kulanka Guddiga diyaar-garowga iyo Ka hortagga ee Coronavirus.

Deni oo ku sugan Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe, ayaa Shirkan ku-guddoomiyey hab maqal iyo muuqaal ah iyadoo Guddi hoosaadkasta oo Guddiga ka mid ah muuqaal-wicitaanka kasoo galeen Xarumaha Wasaaraddaha Caafimaadka, Qorsheynta, Warfaafinta iyo Waxbarashadda.

Guddiga oo u kala qeybsan Wacygelinta, Amniga, Maaliyadda iyo Maciishada ayaa warbixin ka siiyey Madaxweynaha shaqooyinka qabsoomay iyo sida ay u socoto diyaar-garowga iyo ka hortagga ee caabuqa Covid-19.

“Waxaan galabta qaab maqal iyo muuqaal ah kulan kula qaatay Guddiga diyaar-garowga iyo ka hortagga Covid-19, Waan bogaadinaya illaa iyo hadda shaqada socota, oo runtii aan ku ammaanayo guddi hoosaadka sida joogtada ah ee ay shaqada u wadaan tan iyo markii aanu howshan bilownay.

Halista Cudurkan waa mid ka muuqata adduunka iyo sida uu u saameeyay, sidaasi darteed ka Dowladd ahaan si aan dadkayaga u badbaadino waxaan goor horeba bilownay oo xoogga saarnay wacygelinta iyo ka hortagga cudurkan.

Dadweynaha Puntland anoo ku amaanaya siday ugu hoggaansameen awaamiirta Dowliga ah, waxaan hadana ugu baaqaya in ay qaataan talooyinka Hay’addaha Caafimaadka” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka ayaa waxaa kasoo baxay in muddo kordhin Bandow la sameeyay, waxaana lagu kordhiyey muddo 14 cisho in uu sii socon doono bandowga saaran guud ahaan magaalooyinka Puntland, waxaa sidoo kale la joojiyey Jimcaha iyo Jaamacada in Masaajida lagu tukado si loo illaaliyo badqabka caafimaad ee dadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM