Bankiga Islaamka oo qalab caafimaad soo gaarsiiyey Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

October 22, 2014 (GO)- Bankiga Islaamka ayaa maanta qalab caafimaad oo kala duwan soo gaarsiiyay Wasaradda Caafimaadka Puntland kuwaasoo loogu talo galay in la gaarsiiyo dhowr isbitaal.

Isbitaalka magaalo madaxda Puntland ee Garowe oo ka mid ahaa goobaha caafimaadka ee qalabkan loogu deeqayay ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa la gaarsiiyay qaybtii loogu talo galay.

Munaasabadda qalabkan kula wareegayeen mamulka isbitaalka Garowe ayaa waxaa kasoo qayb galay saraakiil ka socda Bankiga Hormarinta Islaamka, Hay'adda Zamzam Foundation iyo Wasaradda Caafimaadka Puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Caafimaadka Dr. Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa sheegay barnaamijka ay deeqdaan uga hellaan Bankiga Islaamka inuu soo socday tan iyo 2010 ayna uga mahad celinayaan Bankiga dadaalka ay dhankooda ka muujiyeen sidoo kale waxa uu agaasimahu sheegay in wasiirkii hore ee caafimaadka Dr. Cali Cabdilaahi Warsame inuu qayb wayn ka qaatay sidii gargaarkan loo heli lahaa.

''qalabkan waxay ka kooban yihiin sariiraha bukaannada, qalabka qaliinka, agabka lagu koriyo carruurta dhiciska ku dhasha, iyo raajooyin waxayna qaban doonaan shaqooyin muhiim ah''.

Cabdow Taqi oo ka socda Bankiga Islaamka ayaa sheegay Somalia inay ka shaqo bilaabeen 1992 islamarkaasna qalabkan caafimaadka loogu talo galay qaar ka mid ah isbitaallada Puntland, isagoo intaas ku daray inay ka go'an tahay caawinta dadka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Garowe Dr. Cabdisamad Axmed Jaamac ayaa ka mahad celiyay deeqdan lasoo gaarsiiyay wuxuna balan qaaday inay si wanaagsan uga faa'iidaysan doonaan.

Isbitaallada Garowe, Gaalkacyo, Qardho iyo Bosaso ayaa loogu talo galay deeqdan in la gaarsiiyo sida uu sheegay Dr. Cabdirisaaq Xirsi Xasan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM