Bannaanbax la qorsheynayey inu maanta Garowe ka dhaco oo baaqdey

Image

May 14, 2015 (GO)- Waxaa baaqdey dibad-bax ballaaran oo ka dhan ah Ururka Al-shabaab kaasoo lagu wadey inuu maanta ka dhaco magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Dowladda ayaa iclaamisey isu soo baxan, waxaana dadka loogu baaqay inay isugu yimaadaan fagaaraha Barxadda.

Mas'uuliyiinta ugu sareysa dowladda ayaa qorshuhu ahaa inay kasoo qayb galaan bannaanbaxa ; oo haddii uu qabsoomo noqon lahaa kii labaad noociisa ee Garowe ka dhaca.

Lama shaacin sababaha keenay dib u dhaca, dowladduna ilaa iyo hadda wax war ah kama soo saarin.

Ammaanka si weyn ayaa loo adkeeyey, waxaana waddooyinka muhiimka ah ee magaalada lagu arkayey ciidamada amniga oo baaraya dadka iyo gaadiidka.

Berri oo Jimce ah ayaa lagu wadaa inuu dibad-baxaasi Garowe ku qabsoomo, wuxuuna kusoo aadayaa  xilli isla maanta Garowe lagu soo gaba gabeynayo shir looga hadlayey la-dagaalanka iyo dabargoynta argagixisada, kaasoo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka soconayey xarunta baarlammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM