Barlamaanka PL oo qodob ka saaray xeerka gudiga doorashooyinka

Image

December 7, 2014 (GO)- Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa maanta meel mariyey inta badan qodobada xeerka gudiga doorashooyinka Puntland.

Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar (Surcad) ayaa Radio Garowe uga waramay tiradda qodobada ay meelmariyeen tan iyo Sabtidii shalay, wuxuuna sheegay inay maanta doodu ahayd mid xasaasi ah oo lagu raagay.

Qodobka tobnaad ee xeerka guddiga doorashooyinka oo ka hadlayay doorka wasaradda Dastuurka Puntland ku lee dahay xeerkan ayuu Surcad tilmaamay inay guud ahaan ka saareen ka dib markii cod gacan taag ah xildhibaanadu ugu codeeyeen.

Xildhibaanku wuxuu sidoo kale sheegay inay mudo ka doodayeen qodobka ka hadlaya da'da oo markii danbe la isla qaatey in laga dhigo afartan jir cida u tartami karta xilka madaxtinimadda Puntland sida uu Siciid Surcad sheegay.

Xeerkan oo ka kooban 24-qodob ma jirto qodobo ahmiyad leh oo xukumadda Gaas kusoo kordhisay marka laga reebo qodobka todbnaad oo Baarlamaanku diiday in lagu daro.

Boqolkiiba sagaashan xeerka guddiga doorashooyinka ee maanta Baarlamaanku meel mariyey wuxuu lamid yahay kii ay meelmarisay dowladdii Cabdiraxmaan Farole.

Halkan ka akhri Faalada Garowe Online ka qorey Xeerkaan markii la horkeeney Barlamanka Puntland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM