Barlamaanka PL oo su'aalo weydiiyey Hay'adda shaqaalaha rayidka

Image

November 26, 2014 (GO)- Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta su'aalo weydiiyey agaasimaha Hay'adda Shaqaalaha Rayidka ee Puntland Mustafe Siciid Shabac.

Xildhibaanada ayaa ugu horeyn warbixin kooban oo ku saabsan waxqabadkii hay'addaas ee todobadii bilood ee la soo dhaafay ka dhegeysatey Agaasime Shabac.

Intaas  kadib qaar kamid ah xildhibaannada oo sheki ka muujiyey in shaqooyinka dowladda si xaq ah oo furan loogu tartamo ayaa weydiiyey su'aalo la xiriira shaqooyinka dowladdu soo dhejiso iyo qaabka dadka tartanka u gala loo kala xusho.

Si gaar ah xildhibaanadu waxay carrabka ugu dhifteen tartan dhowaan loo galay shaqooyin Wasaarada Waxbarashadu soo dhejisey, tartankaasoo sida xildibaanadu ku doodeen dadkii ka qayb galay ee weliba daroojinka sare helay laga tegey shaqooyinkiina la siiyey dad kale.

Agaasime Shabac oo taas ka jawaabayey  wuxuu sheegay  in hay'addu todobadii bilood ee lasoo dhaafay wax badan ka qabatay dhanka shaqada isagoo xusay inaysan jirin shaqooyin la musuq maasuqay taasna ay cadeyn sugan u hayaan.

Baarlamaanka Puntland oo weli ku jira kal-fadhiga 34aad wuxuu sidan oo kale shalay su'aalo u weydiiyey madaxda Hay'adda Hanti-dhowrka Guud ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM