Barlamanka Puntland oo ansaxiyey degmooyin cusub

Image

GAROWE , Puntland- Barlamanka Puntland ayaa maanta ansixiyey afar degmo oo oo kala ah Bursaalax,Xunbays,Shaxda iyo Dhudhub waxaana deeganada oo ka kala tirsan gobollada Mudug,Bari iyo Karkaar dhawaan meel mariyey golihii wasiirada ee dhawaan kalsoonida lagala noqday.

Fadhiga maanta oo ay fadhiyeen 44 xildhibaan ayaa waxaa haa ugu codeeyey in degmooyin loo aqoonsado deeganadan 39 mudane,halka uu hal xildhibaan diiday afar-na waa ay ka aamuseen.

Barlamanka Puntland ayaa weli ku guda jira kalfadhiga 39 aad,waxaana arrimaha u harsan ka mid ansixinta golaha wasiirada ee uu dhawaan soo magacaabi doono Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali.

Waxaa la xaliyey khilaaf u dhexeeyey Barlamanka iyo Madaxweynaha Puntland iyadoo dadka la socda arima Golaha sheegayaan in loo fuliyey qodobo ay dalbanayeen.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM