Barlamanka Puntland oo ansixiyey degmo kusoo biirtay Mudug

Image

December 17, 2014 (GO)- Xildhibaanada Barlmanka Puntland ayaa maanta meel mariyey degmo cusub oo kusoo biirtey degmooyinka Puntland ka kooban tahay.

Degmadan oo lagu magacaabo Saaxo waxay kamid noqon doontaa degmooyinka gobolka Mudug.

54 xildhibaan oo fahiga Barlamanka ee maanta soo xaadiray ayaa dhammaantood ogolaaday degmada cusub.

Maamulka Galmudug ayaa kasoo horjeestay magacaabista degmadan maadaama sida ay ku doodayaan ka tirsan deegaanada Galmudug.

Warar hoose oo Garowe Online heshay ayaa tibaaxaya in Dowladda Federaalku guddi u saari doonto xaalada degmadan.

Dhowaan ayey ahayd markii madaxweyne ku-xigeenka Puntland Barlamanka ka codsaday inay ogolaadaan in Saaxo laga dhigo degmo ka tirsan gobolka Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM