​Barlamanka Puntland oo dib u ansixinaya xukuumaddii ay rideen

Image

GAROWE, Puntland- Golaha Barlamanka Puntland oo ku guda jiray Kalfadhigoodii 39aad ayaa maanta u yeeray Madaxweyne Gaas iyo xukuumaddii uu dhawaan soo magacaabay si loogu qaado codka kalsoonida.

Madaxweyne Gaas ayaa golaha u jeedin doona khudbad uu kaga codsanayo Barlamanka Puntland inay meelmariyaan xukuumadda cusub, taasoo lamid ah middii lagala noqday kalsoonida.

Liis dhawaan uu soo saaray Cabdiwali Maxamed Cali ayaa dib loogu soo celiyay dhammaan wasiirradii hore iyo ku-xigeenadoodii marka laga reebo Saddex Wasiir oo joogay wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Duulista hawada iyo Haweenka.

Wasiirrad lasoo celiyay waxaa ku jiray kuwo lasoo magacaabay kahor intii aan xukuumaddii hore lagala noqon kalsoonida, kuwasoo mar kale nasiib u yeeshay inay soo noqdaan.

Wasiirradaas cusub ayaa iminka jeedinaya khudbado ay kaga hadlayaan tariikhdooda siyaasadeed, midooda waxbarasho iyo aqoontooda shaqo.

Marka ay dhammaystaan khudbadahooda ayaa loo qaadi doonaa cod gacan taag ah, taasoo ay ku heli doonaan Kalsoonida Barlamanka ama ay ku waayi doonaan.

Hoolka Barlamanka Garowe, waxaa sidoo kale joogay qaar kamid ah ururrada bulshada iyo siyaasiyiin kuwaasoo la soconaya qaabka loo qaadayo kalsoonida Wasiirrada.

Xildhibaanada Puntland, ayaa la filay inay meel-mariyaan xukuumadda cusub xilli dhawaan lagu dhaariyay dhammaan wasiirrada xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe.

Faah faahinta Warkan dib ayaan idiin kusoo gudbin doonaa

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM