Barlamanka Puntland oo diidey iney kalfadhigooda furaan Madaxweyne Gaas la'aantiis

Image

GAROWE, Puntland- Xildhbaanada Barlamanka Puntland ayaa ganafka ku dhuftey in kalfadhiga 38aad oo maalinta berri ah furmaya in Madaxweyne ku xigeenka Camey furo kadib markii Madaxweyne Gaas ka cududaartey inuu goob joog ahaado kulankaas.

Madaxweynaha Puntland oo maanta ka dagey magaalada Bosaso ayaa ogaa in maanta uu furmayey kalfadhiga 38aad ee Barlamanka taasoo xildhibaanda shegeeen iney tahay qodob dastuuri ah in ku xigenkiisu furi karin aqalka wakiilada iyadoo Madaxweynahu dalka joogo.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegey in howlo muhiim ah u joogo magaalada Bosaso kuwasoo la xiriira wadahadal uu la galayo qabaa'il ka dagan gobolka berri.

Xildhibaanada Barlamanka Puntland oo qaar ka tirsan warsidaha GO la xiriirey ayaa sheegey iney iyagu kalfadhigooda furan doonaan islamarkaana hadal kasoo saari doononin diidmada Madaxweynaha Puntland ee ku aadan furitaanka kalfahdigaan.

Dhinaca kale waxaa jira dhaqdhqaayo raadinaya in Madaxweynaha Puntland dib loogu dhigo maalmo furitaanka kalfadhiga kuwasoo caawa xiriiro kala duwan la sameynayey xildhibaanada.

Wararka laga helayo ilo ku dhow xildhibanada ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland rabaan iney wax ka waydiiyaan dagaalka Galkacayo kasoo lagu eedynayo xukuumadiisa habacsanaan siyaasadeed iyo mid ilaalinta guud ee amniga.

Madaxweynaha Puntland ayaa horey uga cududaartey inuu furo Kalfadhiga 37aad xiligaas oo ku sugnaa magaalada Galkacayo balse khasab ku noqotey markii dambe inuu ka qayb galo kulankaas isagoo habeenimo guuro kaga soo baxay xarunta gobolka Mudug.

Kacdoon ka dhan ah Xildhibaano

Barlamanka Puntland ayaa waxaa ka socda kacdoon ka dhan ah xildhubaano xukuumada Gaas ugu jirey aqalka wakiilada kuwasoo qaarkood kamid yihiin gudiyada joogtada halka xubno kale ka tirsan yihiin gudoonka aqalka.

Xildhibanadaan oo xukuumada Gaas waxqabad la'aanteeda Barlamanka ka difaaca iyagoo dhaafsanaya dano gaar ah sida lacago, xilal, safaro dibada ah ayaa waxaa ka horyimid kacdoon kasoo samaeyn ku yeeshay qaar ka tirsan musharaxiin aqalka sare kuwasoo ay u balan qaadeen iney u helayaan codadka xildhibanada.

Wararka warsidaha GO ka helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in sidoo kale  xildhibanada Barlamanka Puntland ay codka u diideen xubno musharaxiin ah kuwasoo  tageero ka haystey xafiiska Madaxweyne Gaas.

Shacabka Puntland ayaa ku eedeeya xildhibanada Barlamanka Puntland iney ku milmeen xukuumada kuwasoo meesha ka saarey la xisaabtanka Madaxweyne Gaas.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM