​Barlamanka Puntland oo fasax galay [Dhagayso]

Image

GAR0WE- Xildhibaan Cabdikariim Shaacuur oo kamid ah Barlamanka Puntland, ayaa sheegay in Xildhibaanadu galeen fasax la xiriira gudashada waajibaadka bisha Barakaysan ee Ramadaan, kaasi oo ay ku maqnaan doonaan waqti aan la caddayn cadadkiisa.

Shaacuur oo waraysi gaar ah maanta siinayay Radio Garowe, ayaa tilmaamay in Barlamanku usoo xirmay kala xulista ajandayaashii la horkeenay, kaasi oo uu xusay inay gaarayaan ilaa 17 ajande.

Xildhibaanku, wuxuu meesha ka saaray in xiritaanka fadhiga Barlamanku ay galaangal ku leedahay xukuumadda Puntland, isagoo sheegay in fasaxoodu la xiriiro oo qura qaabkii looga faa'iidaysan lahaa bisha Ramadaan, wuxuuna intaasi raaciyay in waqtiga la isu soo laabto guda gali doonaan arrimaha horyaalla Xildhibaanada.

Wuxuu sheegay Shaacuur in qorshaha ugu jirto qaabkii loola xisaabtami lahaa xukuumadda iyo hay'adaha kale ee dowladda.

Fasaxan, ayaa kusoo beegmay xilli 5 bari oo kaliya furanyahay kalfadhiga dastuuriga ah ee Barlamanka Puntland, iyadoo dalku ku jiro xaalad adag oo dhanka siyaasadda ah, waxaana warar hoose oo warsidaha Garowe Online helayso sheegayaan in fasaxan lasoo dadajiyay sababo ay kamid tahay codsiyo dhanka madaxda dowladda ah.Halkan ka akhriso

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM