Barlamanka Puntland oo go'aamiyey doorashada Afhayeenka

Image

Nov 5,2015 (GO)- Xildhibanaada aqalka wakiilada Puntland oo ku guda-jira kalfahdigoodii 36aad ayaa maanta kulan ay isugu yimaadeen ku gaarey go'aanka watiga ay dhaceyso doorashada gudoomiyaha Barlamanka Puntland.

Doorashada Gudoomiyaha Barlamanka Puntland ayaa xildhibanaada cod ay qaadeen isku raaceen iney dhacdo  maalinta Isniinta oo ku beegan 9 November, 2015.

Musharaxiin badan ayaa isu soo taagtey qabashada xilkaan iyadoo wararku sheegayaan iney ugu cad cad yihiin Cabdixakiim Dhoobo Dareed iyo Axamad Cali Xaashi oo kasoo jeeda xildhibaanada Barlamanka Puntland ugu jira gobolka Sanaag.

Dhinaca kale qabashada waqtiga ay dhaceyso doorashada guddoomiyaha Barlamanka Puntland ayaa ku soo beegmeysa kadib markii madaxweyne Gaas maanta soo gaarey xarunta dowlada Puntland ee Garowe.

Madaxweyne Gaas oo soo koobey safarkiisa uu ku joogey wadanka Imaraadka Carabta ayaa ka shaqeynaya sidii xildhibanaada Barlamanka u dooran lahaayeen afhayeenka Barlamanka jaan qaada siyaasadaha uu Puntland ku hogaaminayo.

Warsidaha Garowe Online ka fiilo doorashada Gudoomiyaha Barlamanka iyo siyaasadaha ku hareereysan

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM