Barlamanka Puntland oo ka hadley gobolada Sool iyo Sanaag

Image

Nov 29, 2014 [GO]- Kalfadhiga 34-aad ee Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa maanta oo Sabti ah fadhigooda kaga hadleen sidii looga doodi lahaa dhulka ka maqan Puntland 7-sano iyo sidii xukumadda Cabdiwali Cali Gaas ugu howlgali lahaa sidii loosoo celin lahaa dhulkaasi isaga ah.

Xildhibaadda oo qaarkood hadalko soo jeediyay ayaa ku baaqay in guddi isku dhafan la sameeyo maadama ay tahay arrin amni ayna muhiim tahay in si wadajir ah loogu howlgalo sidii dhulka maqan loosoo celin lahaa.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa doorashada ku galay inuu soo celin doono deegaanadda maqan sida Gobalka Sool magaalo madaxdiisa.

Gobolka Sool magaalo madaxdiisa Lascaano ayaa waxaa gacanta ku haya maamulka Somaliland halka degaano kale ciidamadeeda si joogta ah u soo galaan kana fuliyeen howlgalo ciidan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM