Barnaamijka dimoqraadiyeynta Puntland oo bur bur qarka u saaran

Image

July 20,2015 (GO)- Warar Garowe Online ka helayo ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in hay'adda Interpeace ee maalgalinta ka hesha Midowga Yurub bishan July dhammaadkeeda albaabada isugu dhufaneyso xafiisyada ay ku leedahay magaalo madaxda Dowlada Puntland ee Garowe.

Hay'adda Interpeace oo gacan weyn ka gaysaneysay hirgalinta barnaamijkii dimoqaradiyeynta Puntland ayaa ku wargelisay Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas iney joojineyso kharashkii ay ku bixin jirtey xafiisyadeeda kadib markii uu dib u dhac balaaran ku yimid dib u biilabista barnaamijkaas.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in Madaxweynaha Puntland muddo labo jeer ah ka dalbadey hay'addaas iney dib u dhigto  go'aanka ay ku xireyso xafiisyadeeda Puntland.

Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ayaa ka gaabsadey magacaabista Guddiga Doorashada Puntland sababo aan la shaacin iyadoo Barlamanka horey u ansaxiyey shuruucdii lagu dhaqi lahaa gudigaas. 

Barnaamijka xisbiyada badan ayaa waxaa horey u bilaabey Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole balse waxaa la hakiyey kadib markii ay rabshado kala hor yimaadeen inta badan musharaxiintii ka qayb galay doorashadii madaxtinimada ee dhacday sanadkii 2014.

Mudane Gaas ayaa markii la doortay ballan qaadey inuu barnaamijka dimoqaraadiyeynta Puntland dib u bilaabi doono muddo sanad gudhihiis ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM