Barnaamijka dimoqraadiyeynta Puntland oo bur bur qarka u saaran

Image

July 20,2015 (GO)- Warar Garowe Online ka helayo ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in hay'adda Interpeace ee maalgalinta ka hesha Midowga Yurub bishan July dhammaadkeeda albaabada isugu dhufaneyso xafiisyada ay ku leedahay magaalo madaxda Dowlada Puntland ee Garowe.

Hay'adda Interpeace oo gacan weyn ka gaysaneysay hirgalinta barnaamijkii dimoqaradiyeynta Puntland ayaa ku wargelisay Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas iney joojineyso kharashkii ay ku bixin jirtey xafiisyadeeda kadib markii uu dib u dhac balaaran ku yimid dib u biilabista barnaamijkaas.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in Madaxweynaha Puntland muddo labo jeer ah ka dalbadey hay'addaas iney dib u dhigto  go'aanka ay ku xireyso xafiisyadeeda Puntland.

Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ayaa ka gaabsadey magacaabista Guddiga Doorashada Puntland sababo aan la shaacin iyadoo Barlamanka horey u ansaxiyey shuruucdii lagu dhaqi lahaa gudigaas. 

Barnaamijka xisbiyada badan ayaa waxaa horey u bilaabey Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole balse waxaa la hakiyey kadib markii ay rabshado kala hor yimaadeen inta badan musharaxiintii ka qayb galay doorashadii madaxtinimada ee dhacday sanadkii 2014.

Mudane Gaas ayaa markii la doortay ballan qaadey inuu barnaamijka dimoqaraadiyeynta Puntland dib u bilaabi doono muddo sanad gudhihiis ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM