Beelihii dhawaan ku diriray deeganka Sheerbi oo Maanta gogol Nabadeed u bilaamatay

Image
Shirkaan ayaa lagu wadaa inay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah nabadda deeganka Sheerbi.

Garoowe, Soomaaliya - Waxaa Maanta si rasmi ah degmada Carmo gobalka Bari uga bilaabatay gogosha Nabadeed ee beelo diri ku dhex martay deeganka Sheerbi ee gobalka Karkaar.

Gogoshaan ayaa waxaa fidiyey isimada dhaqanka gobalka Bari, iyagoo u istaagay siidi ay Nabad ugu soo dabaali lahayen Colaadda ku soo laa labtay deegankaasi.

Deeganka sheerbi ayaa bilihii ugu dambeyey Colaad Qabiil ay uga qaxeen dadkii deegaanka ku ahaa 20kii sano ee ugu dambeyey.

Shirkaan ayaa lagu wadaa inay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah nabadda deeganka Sheerbi iyo sidii aysan Colaadd dambe uga dhicin.

Dhawaan ayey ahayd markii deegaankaasi ay tageen guddi gaar ah oo ka socda Golaha Wakiilada Puntland si ay dhankooda qayb uga noqdaan xalka nabadeed ee deegankaasi.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM