Beesha Caalamka oo kaalin ka qaadeysa Dimoqraadiyeynta Puntland

Image
Image

NAIROBI, Kenya - Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa magaaladda Nairobi, xarunta dalka Kenya, kula kulmay xubno ka socda Beesha Caalamka.

Dhinacyadda uu wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad la shiray ayaa ka kala socday; Midowga Yurub, UK, Norway, Sweden, Switzerland, Denmark, SSF iyo Qaramada Midoobay.

Xubnahan oo aad u daneeya arrimaha Soomaaliya ayuu wasiirku kala xaajoodey sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo taageerada saaxiibada aduunka ay siiyaan dowladda Puntland.

Waxaa kaloo wasiirka iyo Madaxda Deeq-bixiyaashu si qoto dheer uga wada hadleen hirgalinta geeddi socodka barnaamijka Dimoqraadiyeynta Puntland iyo sare u qaadida maamul wanaagga.

"Deeq bixiyaashu waxay soo dhaweeyeen tilaabooyinka dhaxal galka ah ee Dowladda Puntland u qaaday hirgalinta dimoqraadiyadda, waxayna balan-qaadeen inay garab istaagayaan hirgalinta barnaamijka," ayuu yiri Dhabancad.

Xukuumadda madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wacad ku martay in ay Puntland ka saareyso nidaamka hab-qabsiga, kaasi oo uu maamulkan kusoo dhaqmayey 21-sano oo uu dhisan yahay.

Mid kamid ah talaabooyinka aadka loo ammaanay ee ku aadan hirgelinta nidaamka xisbiyadda ee illaa iyo haatan xukuumada qaadey ayaa ah sida degdeg ah ee loosoo magacaabay guddiga doorashada.

Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa mid kamid ah waajibaadkooda waxa uu yahay daadejinta maamulka iyo sidii doorasho qof iyo cod ah ay u qabsoomi lahayd.

Puntland, "hooyadda iyo aabaha" federaalka ka hanaqaadey Soomaaliya, ayaa ah maamulkii ugu horeeyay ee la aas-aasay, isla markaana looga daysaday hab-dhismeedkiisa dowlad goboleedyada dib laga sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM