Beesha Caalamka oo soo dhaweysay natiijada doorashada Puntland

Image
Saaxiibada Caalamka ayaa waxa ay balanqaadeen in ay sii wadayaan taageerada maamulkan.

GAROWE, Puntland - Beesha Caalamka ayaa waxa ay soo dhaweysay gabagabada doorashada madaxtinimada Puntland ee 8da Janaayo 2024 taasoo lagu soo xulay madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen.

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen ayay ku caddeeyeen in ay ku bogaadinayaan "shacabka Dowlad Goboleedka Federaalka Puntland sida nabadda ah ee ay hanaanka u qabteen".

"Waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay inaan sii wadno taageerada dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan maamulka dimuqraadiga ah iyo in horumar laga sameeyo si loo gaaro doorasho cadaalad ah, daahfuran, oo toos ah," ayay raaciyeen.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay soo dhoweynayaan gabagabada doorashada madaxtinimada Puntland ee 8da Janaayo 2024. Waxaan ku bogaadinaynaa shacabka Dowlad Goboleedka Federaalka Puntland sida nabadda ah ee ay hanaanka u qabteen.

Waxaan ammaanaynaa dadaalka dhammaan daneeyayaasha siyaasadda iyo doorashada lagu xaqiijiyay hannaan nabadeed laguna dhiirigeliyay dhammaan dhinacyada inay ilaashadaan jawi nabdoon. Khilaaf kasta oo la xiriira doorashada waa in lagu xalliyaa si nabad ah iyadoo loo marayo habab sharci oo ku habboon.

Saaxiibada beesha caalamku waxay si xooggan u dhiirigeliyaan ka-qaybgalka weyn iyo ka-qaybgelinta macnaha leh ee haweenka iyo dhallinyarada ee geeddi-socodka  mustaqbalka. Waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay inaan sii wadno taageerada dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan maamulka dimuqraadiga ah iyo in horumar laga sameeyo si loo gaaro doorasho cadaalad ah, daahfuran, oo toos ah.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Boqortooyada Sacuudi Carabiya (KSA), Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM