Beesha Caalamka oo war culus ka soo saartay ismarin-waaga doorashada madaxtinimo ee Puntland

Image

GAROWE, Soomaaliya - Beesha Caalamka ayaa maanta soo saartay War-saxaafadeed ku aadan xaaladda Siyaasadeed ee ka taagan Puntland.

Waxay walaac ka muujiyeen halista xiisadaha oo kor u kaca, oo uu ka mid yahay abaabulka ciidamada ee Garoowe ka socda, waxayna ku tilmaameen Joogitaanka ciidamada PMPF mid cabsi gelinaya dadka shacabka ah, taasoo keentay in iskuullada la xiro.

Bayaanka ay soo saareen ayaa lagu yiri:

“Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed.”

Waxay ku nuuxnuuxsadeen sida ay uga go’antahay inay Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ku taageeraan dhisidda aasaaska bulsho nabad iyo barwaaqo ah.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ku baaqday in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.

Bayaanka ayaa ku mideysanaa:

Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Ireland, Kenya, Netherlands, Norway, Talyaaniga, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM