Bileyska magaaladda Boosaaso oo "fashiliyey" qarax

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Taliska booliska magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay "in uu fashiliyey qarax ay kooxaha argagixisada ah ku aaseen mid kamid ah xaafadaha" xarunta ganacsiga dowlada Puntland.

Xuseen Cal Maxamuud, taliyaha bileyska gobolka oo u waramay warfidiyeenka, ayaa u mahadceliyey ciidamadda fuliyey "howlgalkaas guuleystay".

Gaashaanle Sare Maxamuud ayaa shaaca ka dhigay in "kooxaha nabad-diidka ah" ay doonayeen in qaraxaas ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah oo uu ka ku tartarsiiyey in ay laamaha ammaanka ay si dhow ula shaqeeyaan.

Balse lama ogga bartilmaameedka qaraxaas. Hasa ahaatee, Al-Shabaab iyo Daacish oo mararka qaar weeraro ka fuliya magaalada waxay beegsadaan ciidamadda ammaanka iyo dadka wax-galka u ah bulshadda.

Dhanka kale, ciidamadda ammaanka oo isla xalay howlgal ka sameeyay Boosaaso waxay kusoo qabqabteen rasaas iyo agab laga sameeyo walxaha qarxa.

"Waxaa naga go'an oo aan waqtigeena qeybta ugu badan ku bixineynaa sidii gobolka Bari looga dabar-goyn lahaa kooxaha nabad-diidka ah," ayuu ku yiri shir jaraa'id oo uu saxaafadda u qabtay kadib howlgalka ay qaadeen.

Todobaadyadii ugu dambeeyay, laamaha ammaanka dowladda Puntland ayaa dardargeliyey howlgalada iyo dedaaladda lagu xaqiijinayo nabad-gelyadda maadaama waddanka uu galayo doorashooyinka heer Qaran sanadka 2020/2-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM