Bileyska magaaladda Boosaaso oo "fashiliyey" qarax

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Taliska booliska magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay "in uu fashiliyey qarax ay kooxaha argagixisada ah ku aaseen mid kamid ah xaafadaha" xarunta ganacsiga dowlada Puntland.

Xuseen Cal Maxamuud, taliyaha bileyska gobolka oo u waramay warfidiyeenka, ayaa u mahadceliyey ciidamadda fuliyey "howlgalkaas guuleystay".

Gaashaanle Sare Maxamuud ayaa shaaca ka dhigay in "kooxaha nabad-diidka ah" ay doonayeen in qaraxaas ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah oo uu ka ku tartarsiiyey in ay laamaha ammaanka ay si dhow ula shaqeeyaan.

Balse lama ogga bartilmaameedka qaraxaas. Hasa ahaatee, Al-Shabaab iyo Daacish oo mararka qaar weeraro ka fuliya magaalada waxay beegsadaan ciidamadda ammaanka iyo dadka wax-galka u ah bulshadda.

Dhanka kale, ciidamadda ammaanka oo isla xalay howlgal ka sameeyay Boosaaso waxay kusoo qabqabteen rasaas iyo agab laga sameeyo walxaha qarxa.

"Waxaa naga go'an oo aan waqtigeena qeybta ugu badan ku bixineynaa sidii gobolka Bari looga dabar-goyn lahaa kooxaha nabad-diidka ah," ayuu ku yiri shir jaraa'id oo uu saxaafadda u qabtay kadib howlgalka ay qaadeen.

Todobaadyadii ugu dambeeyay, laamaha ammaanka dowladda Puntland ayaa dardargeliyey howlgalada iyo dedaaladda lagu xaqiijinayo nabad-gelyadda maadaama waddanka uu galayo doorashooyinka heer Qaran sanadka 2020/2-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM