​Biyo la'aan ka taagan deegaano katirsan Nugal

Image

GAROWE- Wararka ka imaanaya goobaha miyiga gobolka Nugal ayaa sheegaya inay adag tahay xaaladda dadka iyo duunyada halkaasi ku dhaqan, kadib biyo la'aan soo food saartay, waxaana la sheegay inay arrintaasi saamayn yeelan doonto.

Faratol Deeble oo dadka deegaanka kamid ah ayaa soo maray dhawr tuulo gobolka Nugal katirsan wuxuuna Radio Garowe uga warbixiyay waxyaabaha uu soo arkay, isagoo sheegay inaysan dadku haysan biyo, wuxuuna sheegay inay khatar keeni karto hadii uusan EEBBE xaaladdaasi kasoo gaarin.

Wuxuu tilmaamay isagoo ku sugan deegaanka Hayaanle inuu indhaha saaray dadka deegaanka oo isugu soo aruuray hal barkad oo biyo caraq ah ku jiraan, wuxuuna xusay inaysan ku filnayn dadka iyo duunyada goobtaasi isugu yimi.

Codsi ayay u direen xukuumadda iyo shacabka Puntland iyagoo ugu baaqeen inay wax ka qabtaan xaaladda dadkaasi waxayna ALLE ka baryeen inuu soo doojiyo.

Cabashadan ayaa kusoo beegantay xilli shir ka dhacay Garowe oo isugu yimaadeen xubno matalayay degoomooyinka Nugal lagu shaaciyay inay jiraan abaaro xooggan oo u baahan in wax laga qabto, gaar ahaan waxaa la sheegay in degmooyinka Garowe, Dangoroyo, Burtinle iyo Godob-jiraan xaaladoodu wax ka qabasho u baahantahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM