Boliiska gobolka Bari oo beeniyay askar la badalayo [Dhagayso]

Image

21 December, 2015(GO)-Taliyaha qaybta Boliiska gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdixakiim Yuusuf Xuseen ayaa beeniyay warar la isla dhexmarayay oo ahaa in labadalayo ciidanka ilaaliya garoonka diyaaraha degmada Bosaso oo dhawaan xarigga laga jari doono.

Gaashaanle Sare Cabdixakim ayaa sheegay inaysan ahayn wax suurto gal ah, isagoo askartaasi ku ammaanay kalintii ay ka qaateen adkaynta amniga, wuxuuna tilmaamay xilligan inaysan mudnayn badalaad.

"Suuqa barobogaando ayaa lagaliyay, waxaa layiri waa la finishayaa ciiidanka, abaalmarin uga dhigi mayno ciidan intaas kasoo shaqeeyay," Ayuu yiri taliyuhu.

Wuxuu tilmaamay inay maanta gaaray hadaf muddo ku taamayeen, isagoo tilmaamay inay soo qaadanayaan tababar balse labadalayn. Hufnaan, shaqo wanaag iyo karti ayuu ku ammaanay ciidankaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM