​Boliiska oo ka hadlay shilka wasiirka amniga lagu dhaawacay

Image

BOSASO- Taliyaha qaybta Boliiska gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdixakiim Yusuf oo qayb ka ahaa wafdiga la socday wasiirka amniga Puntland, ayaa faah faahiyay sida wax u dhaceen kadib mar uu la hadlay Idaacadda Daljir Bosaso.

Wuxuu sheegay in dhibkaasi dhacay kadib markii ay is afdhaafeen Taliyaha ciidanka Boliiska Puntland iyo taliyaha Ciidanka Birmadka, kadib ilaalooyinka labada mas'uul rasaas isweydaarsadeen sidaasina ku dhaawacmay wasiirka amniga Puntland.

“ Shaqaaqadan waxay ka dhalatay iska horimaad dhexmaray Ilaaladda taliyaha booliska iyo ciidanka Birmadka, ka bacdina waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo uu ku jiro wasiirkii amniga puntland cabdi xirsi, saraakiil iyo askar,  howshaasna hadda gacantaa lagu hayaa waana la xalinayaa,” Ayuu yiri taliye Cabdixakiim.

Xaaladda caafimaad ayuu ka hadlay Cabdixakiim wuxuuna sheegay in wasiirka iyo mas'uuliyiinta kaleba la dabiibayo islamarkaana wasiirka xabad ka gashay Bowdada halka xaaladiisa culustahay sarkaal Kalyaha ay kaga dhacday.

“ Wasiirka amniga alle ha u fududeeye Xabad ay bawdada ka dustay, xaaladiisa caafimaadna waa fiicantahay waxaana lagu daaweynayaa Cusbitaalka Daryeel.Hadda waxaa ugu culus nin sarkaal oo kalyaha ay xabadi kaga dhacday oo xaaladiisa culustahay, waxaa kaloo jira saraakiil kale oo ku dhaawacantay shaqaqadaas oo qaliimo lagu sameeyay oo xaaladooduna fiicantahay hadda, ” Ayuu sii raaciyay Taliye Cabdixakiim.

Arrintan, ayaa kusoo beegmaysa xilli madaxweyne Gaas ku suganyahay magalada Bosaso xarunta gobolka Bari, waxaana xaaladda Bosaso tahay mid dagan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM