Booliska Mudug oo mamnuucay in hub magaalooyinka lagu dhex qaato

Image

October 6, 2014 (GO)- Taliska booliska gobolka Mudug ayaa maanta oo Isniin ah shaaciyey amar lagu mamnuucayo ka ganacsiga hubka iyo weliba in hub lagu dhex qaato magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Taliyaha qaybta booliska Mudug Cabdullaahi Shire Dool oo shir-jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa Gaalkacayo ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya aanay shaqeyn doonin goobaha hubka lagu gado (Cir toogtaha) dadka rayidka ahna aan loo ogolaan doonin inay hub sharci darro ah haystaan.

Taliyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda loo ogol yahay inay magaalada hub la dhex maraan keliya marka ay hawgal ku jiraan, haseyeeshee askarigii isagoo aan hawgal ku jirin magaalada hub ku dhex qaata sharciga la hor keeni doono.

Ugu dambeyntii Cabdullaahi Shire Dool wuxuu shirkiisa jaraa'id ku sheegay in dadka rayidka ah ee doonaya in loo ogolaado haysashada hubka khasab ay tahay inay iska soo diiwaan geliyaan Wasaaradda Amniga oo bixisa ruqsada haysashada hubka.

Amarka uu soo saaray taliska booliska Mudug ayaa daba socda digreeto isla arrintan la xiriirta oo toban maalmood kahor [Sept 26, 2014]  kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Isla bishii hore ee September 11-keedii Golaha Wasiirrada Puntland ayaa isku raacay in si buuxda Puntland looga mamnuuco ka ganacsiga dhammaan qaybaha kala duwan ee hubka iyo rasaasta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM