Booliska Gobolka Bari oo beeniyay warar laga faafiyay Boosaaso

Image
War-saxaafadeed kasoo baxay Booliska Gobolka ayaa lagu sheegay in magaalada aysan wax xiisad ah.

BOOSAASO, Puntland - Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin xiisad ka taagan magaalada Boosaaso isla markaana xaalada ay haatan tahay mid dagan oo caadi ah.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Ma jiro wax xiisad ah oo ka taagan Magaalada Boosaaso, ciidanka Amniga ee kala duwani waxay ku jiraan shaqadoodii caadiga ahayd ee sugidda Amniga sida Roondada iyo baaritaanka caadiga ah ee amaanka ku saabsan, Taliska Ciidan Booliska Gobolka Bari, waxa uu idiin xaqijiinayaa inaysan jirin wax ciidan ah oo wada Howl-gal gaar ah ama ciidamo is-horfidhiya.

Dadka faafinaya wararka been abuurka ah waa kuwa ku sifoobay baahinta warar aan xaqiiq ahayn waxaan ugu baaqaynaa shacabka magaalada Boosaso inay is-dajiyaan oo la shaqeeyaan ciidanka Amniga sugaaya waa mahadsantihiin.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM