Booliska oo faah faahin ka bixiyey dilkii taliyaha garoonka Bosaso

Image

December 7, 2015 (GO)- Booliska ayaa faah faahin ka bixiyey qaabkii uu u dhacay dilka taliyihii ciidamada garoonka diyaaradaha Bosaso Xasan Shire Ammaan.

Taliyaha Booliska Bari, Gaashanle Sare Cabdixakiim Xuseen Yuusuf ayaa sheegay in taliyaha uu dilay askari ka tirsanaa ilaalada garoonka oo shaqada laga ruqseeyey.

"ninkaasi waa dhintay, waxaana dilay askari ka tirsan ciidamada oo maalin dhoweyd la ruqseeyey kadib markuu shaqadiisa gudan waayey" ayuu yiri

Gaashaanle Cabdixakiim ayaa dhanka kale xusay in askarigii dilka geystey uu baxsaday, haseyeeshee laamaha ammaanku ku raad joogaan, sida ugu dhaqsaha badanna loo soo qaban doono.

"hadda gacanta laguma hayo, baaritaan baan ku jirnaa...sababta ninkaasi u fakaday isagoo ciidan badan ku jira ayaan wax iska weydiineynaa"

Xasan Shire Ammaan ayaa muddo dheer soo ahaa taliyaha ciidamada garoonka diyaaradaha ee Bosaso, wuxuuna xilka qabtay xilligii Puntland uu madaxweynaha ka ahaa Jen. Cadde Muuse. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM