Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay koox burcad badeed ah

Image
Kooxdaan ayaa ku eedeysan falka Burcad-badeednimo ee afduubka Markabka Bulgarian Bulker MV Ruen.

Garowe, Soomaaliya - Taliska Booliska Puntland ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in howlgal ay ka sameeyeen xeebaha gobolka Nugaal ay ku soo qabteen rag lagu eedeeyay burcad badeednimo.

Kooxdaan ayaa ku eedeysan falka Burcad-badeednimo ee afduubka Markabka Bulgarian Bulker MV Ruen kaas oo bishii December 14 ee sannadkii hore lagu dhacay xeebaha Yemen.

Booliska Puntland ayaa ku sheegay Qoraalka magacyada eedeysanayaasha ee la soo qabtay, kuwaas oo kala ah:

1. Ibrahim Cabdi Salaad
2. Maxamed Maxamed Casayr
3. Maxamed Mire Cali.

Markabka MV Ruen oo ay saaranaayeen 18-shaqaale ayaa waxaa afduubka u geystay lix qof looga shakisanaa inay yahiin burcadbadeed Soomaali ah.

Ciidamada badda Hindiya oo dhacdadaasi ka jawaabaya ayaa aagga uu falka ka dhacay u soo diray markab dagaal & diyaarado si ay u soo helaan una caawiyaan markabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM