Booliska Puntland oo loo tababaray hubinta badqabka maraakiibta

Image
Sidoo kale, askarta ayaa qaatay casharo ku saabsan ka hortagga khataraha ku imaankara wakhtiga ay ku safrayaan xeebaha.

BOOSAASO, Puntland - Ciidanka Booliska Puntland laanta Dekadda Boosaaso ayaa maanta loosoo xiray tababar ku saabsan hubinta badqabka  maraakiibta, doonyaha iyo ka hortagga khataraha ku imaankara wakhtiga ay ku safrayaan xeebaha Puntland.

Munaasibadda xirtaanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka Badda Puntland, Axmed Yaasiin, Taliyaha Saldhiga Dekeda Bosaaso Col Warsame Axmed Shirwac iyo masuuliyiin kale.

Tababarkan oo ay bixisay hay'adda (UNDOC), kaas oo dhammaan ciidamada qaatay ugu faa"idayn doonaan dalka iyo dadka.

Tababarkaan ayaa qayb ka ah qorshaha cusub ee Taliyaha Ciidanka Booliska Gen Mumin Abdi Shire uu dib u habayn iyo dib u dhis ku samaynayo laamaha kala duwan ee ciidanka booliiska Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM