Booliska Puntland oo loo tababaray hubinta badqabka maraakiibta

Image
Sidoo kale, askarta ayaa qaatay casharo ku saabsan ka hortagga khataraha ku imaankara wakhtiga ay ku safrayaan xeebaha.

BOOSAASO, Puntland - Ciidanka Booliska Puntland laanta Dekadda Boosaaso ayaa maanta loosoo xiray tababar ku saabsan hubinta badqabka  maraakiibta, doonyaha iyo ka hortagga khataraha ku imaankara wakhtiga ay ku safrayaan xeebaha Puntland.

Munaasibadda xirtaanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka Badda Puntland, Axmed Yaasiin, Taliyaha Saldhiga Dekeda Bosaaso Col Warsame Axmed Shirwac iyo masuuliyiin kale.

Tababarkan oo ay bixisay hay'adda (UNDOC), kaas oo dhammaan ciidamada qaatay ugu faa"idayn doonaan dalka iyo dadka.

Tababarkaan ayaa qayb ka ah qorshaha cusub ee Taliyaha Ciidanka Booliska Gen Mumin Abdi Shire uu dib u habayn iyo dib u dhis ku samaynayo laamaha kala duwan ee ciidanka booliiska Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM