Booliska Puntland oo qabtey maxbuus ka baxsaday xabsiga Gaalkacyo

Image
Barkhad Cawil Xirsi ayaa ka mid ahaa Afar maxbuus oo kafakaday xabsiga Galkacyo, kuwaas oo ahaa danbiilayaal dil sugayaal ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Boliiska puntland ayaa gacanta ku dhigay barkhad cawil xirsi oo ka mid ah afar rag ah dhawaan ka baxsaday xabsi ku yaal gaalkacyo.

HOOS KA AKHRISO QORAAL KASOO BAXAY BILEYSKA

 Ciidanka Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay Barkhad Cawil Xirsi oo ka mid ahaa Afar maxbuus oo kafakaday xabsiga Galkacyo, kuwaas oo ahaa danbiilayaal dil sugayaal ah kana tirsanaa shabakad argagixiso ah oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo horayna u dilay haldoor badan oo kamid ahaa Gobalka.

Ciidanka Booliska Puntland ayaa abaal mariyay muwaadinkii keentay xogta dilaaga Argigixisada ah ee Barkhad Cawil Xirsi.

Sidoo kale waxaa wili baxsad ah,
1 Abdiqani saleeban jama (Sayloor)
2Abdulahu faysal xusen (Abuujonge)
3Abdirahman Awal maxamed (Siigayste)

Qofkii nalawadaaga xogtooda iyo meel ay kusuganyihiin waxa uu abaal marin u helayaa lacag dhan 20,000 iyadoo aan cidna ogaan xogtiisa gaarka ah.

Nagalasoo xiriir 5540000
Nagalasoo xiriir 4314441
Nagalasoo xiriir 5500000


GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM