Booliska Puntland oo qiray baada ay ISIL kusoo rogtey Boosaaso
GAROWE, Puntland - Taliska Booliska Puntland ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in kooxaha argagixisada ah ay ganacsatada Boosaaso kusoo rogeen lacago baad ah maalin kadib markii uu xogtaas baahiyey warsidaha Garowe Online.
Laamaha ammaanka Puntland ayaa ka daahay in ay talaabo degdeg ah ka qaadaan arrintan waxaana "dayacaas" ka dhashay weerar ay kooxda Daacish ku gubtey dukaan weyn oo ay ahayd shirkadaha ganacsiga Al-Macruuf.
Qiraalka hay'adaha amniga ayaa ka dambeeyay markii Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire, uu Khamiista maanta ah ka qeybgalay shirka guddiga amniga gobolka Bari.
Qoraalka kasoo baxay kulankaas ayaa lagu sheegay in hay'adaha nabad-gelyadda ay "aqoonsadeen ciddii ka dambeysay gubitaanka goobta laga tukaameysto" iyaga oo ka dhowrsadey eedeynta kooxda ISIL-Somalia.
"Guddiga amnigu wuxuu farayaa maamulka, masuuliyiinta iyo mulkiilayaasha shirkaddaha ganacsiga iney wadashaqayn la yeeshaan Hay’addaha amniga Puntland ee ka hawlgala magaalada Boosaaso, si ay ula wadaagaan wixii culeys amni la xiriira ee ku soo kordha shirkaddaha iyo shaqaalohooda," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah bayaanka.
Sidda laga soo xigtey war-saxaafadeedka, shirkadaha isgaarsiinta ayaa la faray in ay hubin dheeraad ah ku sameeyaan shaqsiyaadka ah soo dalbanaya adeegyadooda labadaba - lambarada iyo akoonadda.
"Guddiga amnigu wuxuu ogaysiinayaa shirkadaha isgaarsiinta iyo lacagaha danabaysan (electronic money) ee aan u marin hab sharci ah markii ay muwaadiniinta u furayaa lambarada iyo akoonada lacagaha danabaysan lagu shubo in laga qaadi doono tallaabo sharci, sidaas awgeed shirkaddii lagu helo inay furtay lambar iyo akoon aan waafaqsanayn habka u degsan ganacsi ama lagu ogaado inay la macaamishay shaqsi argagixiso ah, waxaa Dawladdu ka qaadaysaa tilaabo sharciga waafaqsan, waxayna qaadayaan masuuliyadda dadkii iyo ganacsatadii lagu dhibaateeyey lambarada iyo akoonada ay u fureen argagixisada," ayaa la raaciyey warka qoraalka.
Xukuumadda madaxweynaha muddo xileedkiisa ay bilooyinka uga hareen Saciid Cabdullaahi Deni ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay dhinac iska-dhigtey dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee ISIL iyo Al-Shabaab.
Deni oo ka maqan Puntland muddo bil ah ayaa golihiisa xukuumadda ku mashquulsan yihiin doorashooyin golaha degaanka ee lagu muransan yahay, isaga oo raadinaya muddo kororsi shari darro ah.
Mas'uuliyiin iyo shaqsiyaad ka tirsan xukuumadda Deni ayaa weerar afka ah ku qaadey Garowe Online kadib baahinta xogta baada argagixisada kusoo rogtey Boosaaso iyaga oo beeninaya warka maanta la xaqijiyey.
Hay'adaha amniga Puntland iyo shaqaalaha rayidka ee Puntland ayaa mushahar qaadan muddo kor u dhaafeysa 5 bilood taasoo la rumeyan yahay in ay ka qeyb-qaadatay dayaca ganacsatada iyo amni daradda.
Al-Shabaab ayaa cadaadis ammaan iyo dhaqaale waxay ka soo food-saareen koonfurta Soomaaliya sababo ku aadan gulufka dowladda taasoo kaliftey in ay awoodeeda isugu soo aruurto meelo ay kamid tahay Puntland.
Daacish ayaa dhankeeda waxay la kulantey dharbaaxo kulul ka gadaal markii Mareykanka uu duqeyn ku dilay Bilaal Al-Suudaani kaasoo la aaminsan yahay in uu ahaa maskaxda isku-haysa ilaha dhaqaalaha ee maleyshiyaadka.
GAROWE ONLINE