Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Image

MUDUG, Soomaaliya — Ciidamada Booliska dowladda Puntland ayaa xabsiga dhigay haweeney 34 jir ah oo qiratay dilka gabar 14 jir ah, sida ay saraakiishu sheegeen jimcihii.

Hodan Maxamuud Diiriye ayaa la xiray dhowr saacadood kadib markii la helay meydka Saabiriin Saylaan Cabdulle. Booliisku waxay sheegeen in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamadda si sharci ah.

Marxuumadda ayaa ku noolayd oo shaqaale ka ahayd guriga Hodan. Baarayaal ka tirsan booliska ayaa sheegay in markay baareen moobaylka eedeysanaha ay heleen caddeymo muujinaya in gabadhu la kulantay tacaddiyo joogto ah isla markaana loo haystay addoonsi shaqo.

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh oo jidhkeeda ka dhacday meelo kala duwan.

Dilkan ayaa dhalay caro bulsho, iyadoo dadweyne badan ay sameeyeen mudaharaadyo ay ku dalbanayaan in cadaalad loo sameeyo gabadha. Booliska Puntland ayaa ugu baaqay dadweynaha inay is dejistaan, iyagoo balan qaaday in eedeysanaha loo hogaamin doono sharciga hortiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM

Puntland Oo Ciidamo Cusub U Daabushay Buuraha Cal-Miskaad

Hawlgalkan, oo markii hore loo qorsheeyay in lagu soo afjaro bisha December ee 2025, ayaa galay marxaladdiisii ugu dambeysay.

  • Puntland

    08-12-2025

  • 11:10AM