Boosaaso oo Daacish u gacan gashay

Image
Image
SAWIRKA: Goobjoogayaal

BOOSAASO, Soomaaliya - Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa waxaa faro kulul ku haya kooxaha argagixiso ee Daacish iyo Shabaab kuwaasi oo lacago ka qaada ganacsatada.

Shirkadaha qalabka dhismaha ee Boosaaso ayaa dhawrkii bari ee lasoo dhaafay xiran kadib wada hadalo ay isku fahmi la'yihiin Daacish.

Kooxdaan oo ku sugan deegaano kamid ah buuralayda calmiskaad ee gobalka Bari ayaa Albaabada u laabay shirkadaha Oomaar, Horseed iyo Tawfiiq.

Garowe Online ayaa ogaatay in lacagahan kooxahan ay ka qaadaan qaybo kamid ah ganacsiyada Boosaaso ay si caadi ah u socdaan isla markaana inta awooda ay bixiyaan.

Ganacsatada magaalada ayaa dhankoodii shalay kulan la qaatay maamulka gobolka Baay, waxayna u gudbiyeen cabashadooda ku aadan bixinta lacagaha canshuurta oo la 3-jibaaray, iyagoo aan ka helin dowladda wax adeeg ah u dhigma lacagahaas sida ay sheegeen.

Sidoo kale, ganacsatada ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ay kala kulmaan Daacish, oo ay ka mid yihiin lacagaha baadka oo ay xoog kaga qaataan, halka dowladda aysan qaadin tallaabooyin lagu ilaalinayo naftooda iyo hantidoodaba.

Daacish ayaa ku amartay shirkadaha qaar oo muddo asbuuc ah xiran inay bixiyaan lacag u dhaxeysa $300.000 ilaa $500.000 oo dollar ah, waxayna kana cabsi qabaan in la weeraro hadii aysan bixin lacagahaas baadka ah.

Madaxweynaha wakhtigiisu sii dhamaanayo ee Puntland, Siciid Deni ayaa booqasho ku jooga Imaaraatka halkaasi oo aysan ku wehlin masuuliyiinta dowladu.

Khubarada amniga ayaa aaminsan in Deni ka tanaasulay wax ka qabashada amniga sii xumaanaya isla markaana isu diyaarinayo boobka doorasho hal dhinac ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM