Boosaaso oo laga dhagax-dhigay mashruuc muhiim ah [Sawirro]

Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Puntland ayaa si rasmi ah waxay magaaladda Boosaaso uga dhagax-dhigtay mashruuc cad-cadeeda [qoraxda] looga dhalinayo koronto oo uu maalgelinayo sanduuqa horumarinta ee Abu Dhabi.

Boosaaso waa xarunta ganacsiga dowlada xubinta ka ah federaalka Soomaaliya, waxayna dhanka Koonfur kaga taalaa Gacanta Cadan.

Mashruucaan oo dad badan ay ka faa'iideysan doonan ayaa qayb ka ah balanqaadkii madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ee taageerida waaxda tamarta isla markaana hoos loogu dhigayo qiimaha korontada.

Xukuumadda ayaa mar sii horeysay waxay diyaarisay qorshaha lagu fulinayo mashruuca, waxaana kamid ah dayactirka waddooyina iyo rakibidda baalayaasha nalalka cad-cadeeda [qoraxda] ku shaqeeya.

Mas'uuliyiin kala duwan oo isugu jira; wasiiro, maamulka gobolka Bari iyo saraakiil kale ayaa ka qeybgalay dhagax-dhiga mashruuca.

Axmed Maxamed Yuusuf, wasiirka tamarta Puntland, ayaa ku bogaadiyey Imaaraadka Carabta iyo Sanduuqa horumarinta ee Abu Dhabi doorka ay ka qaadanayaan horumarinata degaanada maamulkan

Imaaraadka Carabta ayaa wuxuu balanqaadey in uu maalgelinayo mashaariicyo kala duwan oo laga fulinayo gudaha magaalada xeebta leh, waxaana kamid ah dhismaha garoon [madaar] diyaaradeed iyo dekad cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM