Boosaaso oo laga hirgeliyey nidaamka casriga ah ee xisaabaadka

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Duqa Boosaaso ayaa daahfuray habka casriga ah ee xisaabaadka Computerized ee loo yaqaan Financial Management Information System [FMIS] lagana hirgalinaayo Dawladda Hoose.

Mashruucan waxaa maalgalinaya Bangiga adduunka, waxana fulinaaya Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda ee PFM, si horumar looga sameeyo dhanka xisaabaadka.

Daah-furkan waxaa ku lamaan-sanaa ayadoo qaybo ka mid ah shaqaalaha Dawladda Hoose loo tababarayo habka loo adeeg-sanayo Financial Management Information System [FMIS].

Daah-furka FMIS waxaa ka hadlay duqa degmada, Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka, Xog-hayaha degmada iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xafiiska PFM, dhamaana waxa ay sheegeen in FMIS uu wax badan ka badali doono hannaanka Xisaabaadka Dawladda hoose ee Boosaaso.

Duqa Degmada Boosaaso Cabdi Salaam Bashiir ayaa la dardaarmay shaqaalaha Dawladda Hoose ee loo tababaraayo adeeg siga Financial Management Information System [FMIS].

Waxaa xusid mudan in Financial Management Information System horay looga hirgaliyay xarumaha Dawladdaha Hoose ee Magaalooyinka Garoowe iyo Qardho, waxaa la qorshuhu in degmooyinka lawada gaarsiiyo.

Wasaaradda Maaliyada Puntland

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM